Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Cismaan Alxamaadi.
Kulanka ayaa ahaa mid safiirka UAE uga warbixinayo gargaarka dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxii weynaa ee Muqdisho, isagoo u gudbiyay tacsi uu ka siday madaxda dalka Imaaraadka Carabta.
GARGAARKA IMAARAADKA WAA SIDA HOOS KU QORAN:
1- Imaaraadka wuxuu bixinayaa kharashka daweynta 100 ka mida dhaawacyada halista ah ee Qarixii Muqdisho.
2- Wuxuu daawo fara badan si degdeg ah ugu dirayaa isbitaallada Muqdisho, iyadoo isbitaalka Imaaraadka ee Muqdisho uu qaabilayo dhaawacyada.
3- Bisha Cas ee Imaaraadka waxay bixineysaa biilka 300 qoys oo ah kuwii ku agoontoobay Qaraxii Muqdisho ama dadkooda ku waayay qaraxa muddo lix bilood ah, iyo gargaar la siinayo qoysaska dadkii ku dhintay qaraxa.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dowladda Imaaraadka iyo madaxdeeda uga mahadceliyay gargaarka iyo garab istaagga ay dadka Soomaaliyeed u fidiyeen, wuxuuna ku bogaadiyay doorkooda walaalnimo.
Goobjooge