Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amarkii ugu muhiimsanaa soo saaray, kaasoo ku saabsan dhulka hantida guud.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo uu ku saxiixnaa ayaa lagu amray in la joojiyo dhismooyinka ka socda garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa.
Qoraalka ayaa si toos ah ugu socday wasaaradda gaadiidka iyo maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka dambeeyay kulan ay yeesheen Ra’iisal wasaaraha, wasiirka gaadiidka iyo hay’adaha ammaanka ee Garoonka.
Dhulka ku wareegsan garoonka oo dad Soomaaliyeed laga burburiyey ayaa dib loo siiyay ganacsato iyo shaqsiyaad kala duwan, taasoo keentay qeylo dhaan musuq iyo xaalad ammaan oo halis ku ah garoonka.
Ra’iisal wasaaraha ayaa wareegtadiisa ku sheegay in guddi loo magacaabi doono xaaladda garoonka iyo dhismooyinka socda.
AKHRISO WAREEGTADA
Goobjooge.com