Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaamainayo ayaaa galabta aaray degmada Bardaale ee Gobolka Baay oo ka mida magaalooyoinka ay fatahaadda ka dhacday.
RWafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa magaalada uga sii horeeyay oo kusoo dhoweeyay madaxweynaha K/Galbed C/casiis Xasan Maxamed , iyadoo ujeedka socdaalka Ra’iisal wasaaraha lagu sheegay kormeer loogu kuurgelayo xaaladda magaaladaasi oo waxyeelo kasoo gaartay daadad ay ku rogeen roobab xoog leh oo ka da’ay.
Wafdiga ayaa booqday xaafadaha magaalada Berdaale ee ay saameynta ku yeesheen roobabk xoogga leh ee halkaasi ka da’ay.. Muuqaalka Ra’iisal wasaaraha iyo xubnaha la socda ayaa arkayey iyado biyo heer dhexe ah dhex maraya.



