Ra’iisul Wasaaraha xukuuamdda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan xukuumadiisa ayaa dalka Qatar u tegaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo bilaabi lahaa fuilinta mashaariic ay dowladda Qatar hore u ballanqaaday oo aan weli waxba ka hirgelin.
Dowladda Qatar oo saaxiibo dhow la ah dowladda Soomaaliya, isla markaana dowladda Federaalka Somalia ay daraadeed xiisad diblomaasiyadeed ula gashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan siisay xukuumadda Somalia lacag gaareysa 20 Milyan oo Doolar oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda, balse waxaa weli la fulin mashaariicdii ay ballan qaaday Qatar.