Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo War kasoo saaray Ganacsade dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Muqdisho

Ra’iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa war kasoo saaray dil magaalada Muqdisho loogu geystay ganacsade dhalinyaro ah oo si weyn looga yiqiin magaalada.

Koox hubeysan ayaa maanta ganacsade Maxamed Maxamud Sheekh Cali oo xilligaas ku sugnaa bannaanka Baar ku yaalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa Ilaahay uga baryey wiilkii dhallinyarada ahaa ee Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Haddii maalin walba qof qiimo leh la innaga dilo oo aan u aragno wax caadi ah waxaa dhammaanaya Ubixii dalka. Shacabka Soomaaliyeed iyo Laamaha amniga waxaan ugu baaqayaa inay ka wada shaqeeyaan sidaan u badbaadin lahayn Ubaxa iyo Mustaqbalka Ummada Soomaaliyeed..” ayuu Ra’iisal wasaraha ku yiri qoraal uu soo saaray.

Tacsi iyo farrimo murugo leh oo loo diray qoyska maxuumka ayaa hareeyay baraha bulshada, iyadoo si weyn looga naxay dilka Ganacsadaha da’da yar ee qurbajoogta Soomaalida ka mid ahaa

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON