Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.
Waxaa garoonka magaalada Baydhaba ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed iyo dadweyne uga hortegay garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka mida madaxda dowladda Soomaaliya uga qeyb galeys shirka Amniga ee dowladda Goboleedyada iyod owladda Soomaaliya oo lagu wado inuu Berri ka furmo magaalada Baydhaba.
Warar Xul ah