Ra’iisal wasaae ku xigeenka Turkiga Hakan Cavusoglu oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa dhagax dhigay Jid cusub oo laga dhisayo magaalada.
Jidkan ayaa ah mid isku xiri doona Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyo Saldhigga milateri ee Turkiga ku tababarro ciidamada Soomaaliya oo ku yaalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Jidka cusub waxaa wadajid u dhagax dhigay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Turkiga Hakan Cavusoglu iyo dhiggiisa Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.