Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre: “Maxay Ciidamadu u kala tegi waayeen markii 9 bilood mushaarku ka maqnaa?”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa farriin adag u diray Ciidamaddii dhawaan kasoo baxay gobolada Shabeellooyinka ee ka gadooday mushaar la’aanta.

Mudane Kheyre ayaa Masjidka madaxtooyada ka hadlay khudbadii Jimcaha kadib ayaa sheegay inuu socdo tirakoobka ciidamada, isla markaana si loo taageero dhismaha ciidamada lagu xiray inay tirakoob ku sameeyaan, iyadoo ay ka go’an tahay arrintaasi.

Wuxuu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku eedeeyay inay arrinta la isku heysto ay tahay in dad kale ay doonayaan inay mushaaraarka u qadaan ciidamada, taasina uu ku adkeystay inuusan yeeli doonin inta uu xilka hayo.

“Askari walba waa inuu joogaa meeshii lagu diiwaangeliyay lacagtana ay dowladu ku siiso oo aysan jirin cid kale oo idiin dhexeyneysa mushaarka iyo raashinkaagana aan kuguu soo shubeyno accounkaaga.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wuxuu Ra’iisal wasaare is-weydiiyay sababta ay ciidamada cabanaya u kala tegi waayeen markii mushaarka uu ka maqnaa muddo 9 bilood (dowladii Xasn Sheekh) laakiin ay hadda u cabanayaan, wuxuuna yiri “Waxay eeyihiin labo bilood oo wax la saxaayo ayaa mushaaraadka naga maqan yihiin… Maxay u kala tegi waayeen xilligii uu mushaarku ka maqnaa sagaal bilood.. runta la idin ma sheegin.. laakiin aniga maanta idin sheegaya.” ayuu yiri markale Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in xilligii hore ay heysteen garaam iyo raashin joogto ah laakiin dowladda Farmaajo iyo Kheyre ay jarteen garaamkii, iidaamkii iyo mushaarkii.

HOOS KA DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON