Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaare Rooble oo booqday Qabriga Amiirkii Geeriyooday ee Dalka Kuwait (Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku usgan dalka Kuwait ayaa booqday Qabriga Amiirkii dalkaasi e dhowaan geeriyooday Sheekh Sabaax Al-Axmad.

Wuxuu kaloo Ra’iisal wasaaraha salaan tacsi ah ugu tegay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax, isagoo gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Alle ha u naxariistee Amiirka dalkaas Marxuum Sabaax Al-Axmed.

Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan walaalahooda dalka kuweyt.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON