Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa saaka gaaray saldhigga ciidamada Ballidoogle, ee Gobolka Sh/hoose.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa ku saasban kormeer xaaladda saldhigga oo bishan ay ka baxayaan ciidamada Mareykanka ee halkaasi saldhigga u ahayd.
Warbaahinta dowladda oo shaacisay socdaalka Ra’iisal wasaaraha ee xerada Balli-doogle ayaa sheegtay inuu u kuurgalayo howlgalada ciidanka Xoogga Dalku ay wadaan.
