Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in Dowladdu Go’aansatay Doorasho la gelayo, iyadoo…

War kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa agu shaaciyey in xukuumadu go’aansatay in la guda galo Doorasho.

Qoraal kooban oo ay faafisay xukuumadda ayaa lagu sheegay inuu kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

“Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed..” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyey go’aanka Dowladda Federaalka ee ah inay Doorasho ka dhacdo saddex maamul Goboleed iyo G/Banaadir.

Ra’iisal wasaaraha oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey in waanwaantii uu waday kadib ay xukuumaddu go’aansatay in aado doorasho, lagana fogaado wixii carqaladeyn kara heshiiskii Doorashada ee 17-ka Septembar.

Image may contain: 5 people, people standing and suit

XOGTA WIXII DHACAY 24-KII SAAC EE UGU DANBEEYAY KA AKHRI WARBIXINTA HOOSE

Warbixin Xasaasi ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON