Tuesday, July 8, 2025

Ra’iisal Wasaare Xamsa oo shaaciyey Caddowga labaad ee Xukuumadiisa la dagaalameyso

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyey in Musuqmaasuqa uu yahay caddowga labaad ee dowladda la dagaalameyso, marka laga soo tago Alshabaab.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalmiga ah ee la-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayuu ka sheegay in xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo musuqmaasuqa si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Ra’iisal wasaarea Xamse ayaa ka sheegay musuq-maasuqu uu yahay cudur xun ee ku dhaca dowladnimada, kaas oo uu sheegay inuu sababo horumar la’aan dhaqaale, inaan laga faa’iideysan khayraadka dalka, inuu hoos u dhaco dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha.

Xamse Cabdi Barre waxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadaw ka weyn Musuq-maasuqa oo dalkeenna heysto marka laga reebo kooxda Khawaarijta, sidaa darteed ay xukuumadda dagaalka ay kula jirto Khawaarinta ku xijin doonto Kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Musuq-maasuqa dalkeenna ragaadiyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON