Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaare Xamza oo dhex galay olole kalsooni raadin ah iyo Wararkii ugu danbeeyay

Ra’iisal wasaaraha magacaabay ee xukuumadda Federaalka Xamza Cabdi Barre ayaa dhexda u galay olole kalsooni raadin ah oo dhinacyo kala duwan ay doonayaan in loogu ansixiyo xilka cusub ee loo magacaabay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday inay ansixiyaan Ra’iisal wasaaraha uu magacaabay, waxaana sidoo kale olole kalsooni raadin ah wada xildhibaanno iyo siyaasiyiin u dhow Ra’iisal wasaaraha cusub.

Xamza oo la magacaabay16-kii Bishan June 2022 ayaa kulamo kala gaara la leh, xildhibaano kooxo isugu xiran iyo kuwa beelaha si uu kalsoonidooda u helo, waana tallaabada koowaad ee ugu adag inuu ka gudbo.

Ra’iisal wasaarayaasha uu magacaabo madaxweynaha xilka haya ayaa u baahan in marka hore shaqsi ahaan cod loogu qaado, iyadoo kadibna cod kale loo qaadayo Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda si ay u shaqo bilowdo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Arbacada aakhirka toddobaadkan codka kalsoonida loo qaadi doono Ra’iisal wasaaraha cusub, iyadoo uu madaxweyne Xasan Sheekh horgeyn doono Baarlamaanka.

Xildhibaanno badan ayaa raadinaya inay qeyb ka noqdaan xukuumadda cusub, waxaana inta badan ansixinta Ra’iisal wasaaraha ay u dhacdaa si fudud, inkastoo ansixinta xukuumadda kadib marka la magacaabo wasiirada ay tahay mid adag oo olole weyn u baahan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON