Thursday, July 17, 2025

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo si rasmi ah xilkii kala wareegay Cumar C/rashiid

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si rasmi ah xilka la wareegay maanta kadib markii shalay  codka kalsoonida uu ka helay baaralmaanka, lana dhaariyay.

Ra’iisal Wasaaraha hore Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xafiiskiisa ku soo dhoweeyay, xilka ku wareejiyay  Ra’iisul wasaaraha cusub Xasan Cali Khayre, waxaana xaflad kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada.

Xafladda xil wareejinta waxa goobjoog ka ahaa wasiiro, xildhibaano iyo shaqaalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha, oo ay wehliyeen taliyeyaasha ciidamada.

Cumar C/rashiid ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay Ra’iisal wasaaraha cusub wuxuuna u rajeeyay inuu xilka ku guuleysto.

Xasan Cali Kheyre ayaa iska u mahad celiyay Ra’iisal wasaarihii hore iyo xukuumadiisa oo dalka kasoo saaray xaalad adag, wuxuuna balan qaaday inuu si daacad ah ugu adeegi doono umadda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON