Tuesday, July 1, 2025

Ra’iisal wasaarihii hore ee Japan oo meel fagaare ah lagu toogtay iyo Geeridiisa oo la xaqiijiyey.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe ayaa la toogtay maanta oo Jimce ah xili uu olole doorasho ka waday magaalada Nara ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay dowladda Japan ayaa sheegay in toogashada ay ka dhacay Goob uu khudbad ka jeedinayay Ra’iisal wasaarihii hore, waxaana laga toogtay dhinaca danbe iyo qoorta, iyadoo la maqlay rasaas uu qof ku hubeysan Qori uu kusoo riday.

Rasaasta loo adeegsaday toogashada Ra’iisal wasaarihii hore ee Japan ayaa la maqlay Xilli uu khudbad ka jeedinayay fahaare ololaha doorashada aqalka sare ee dalka Japan ka socday, xarunta tareenada ee galbeedka magaalada Nara.

Ninka falka toogashada ah geystay ayaa la sheegay inay Boolisku xireen, kaasoo magaciisa lagu sheegay Tetsuya Yamagami, ahna 40 jir degan magaalada Nara, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in Shinzo Abbe ay xaaladiisu ahayd mid liidata oo uu Koomo ku jiray intii aan isbitaalka loo qaadin, halka warar qaar sheegayaan inuu dhintay.

Sarkaal booliska dalka Japan ka tirsan ayaa laga soo xigtay in Shinzo Abbe markii isbitaalka loo qaadayey aanu lahayn wax neefsasho ah, wadnuhuna istaagay. Wararakii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dowlada Japan ay xaqiijisay geerida Shinzo Abe.

Mid ka mida xubaha sare ee Liberal Democratic Party ayaa warbaahinta Japan ee NHK u sheegay in Rra’iisul wasaarihii hore uu ku dhintay isbitaalka magaalada Kashihara ee Gobolka Nara, halkaas oo xaaladiisa lagula tacaalayey.

Siyaasigan ayaa ulaba jeer soo noqday ra’iisul wasaare, waana Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee dalka Japan, iasgoo xilka tegay Sanadkii 2020 arrimo caafimaad darro dartood. Wuxuu weli ku xoog badan yahay xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party (LDP), isaga oo gacanta ku haya mid ka mid ah garabyada ugu waaweyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON