Alshabaab ayaa Bayaan beenin ah kasoo saaray Warr uu dhowaan dalka Turkiga ka sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu khudbad u jeedinayey ciidamada lagu tababarrayo Turkiga.
Bayaanka oo kasoo baxay Madaxda Alshabaab ayaa lagu beeniyay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in Alshabaab lacag ay dadka Soomaaliyeed xoog uga ururiyeen inay u diraan ururrada argagixisada ee ka dagaalama dalalka Mozambique iyo Nigeriya.
Alshabaab oo Bayaanka kasoo baxay lagu soo qoray English ayaa sheegtay in eedeyntaasi ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn oo mudan in lagu qoslo, sida hadalka loo dhigay, isla markaana uu fulinayo danaha shisheeyaha, isagoo ka hormarinaya danaha shacabka Soomaaliyeed.
Alshabaab waxay ku dooday in hadalladan kasoo yeeray Xasan Sheekh Maxamuud, ay qeyb ka yihiin qorshe midaysan oo ay wataan Itoobiya, Imaaraatka Carabta iyo Turkiga, ayna ku doonayaan inay dhulka iyo hantida Soomaaliya ku boobaan.
Bayaanka Alshabaab oo ahaa mid ka qaawan xigasho aayado qur’aan sida looga bartay ayaa lagu xusay Abaaraha ka jira dalka, waxaana lagu eedeeyay inuu hadalkaasi ku qarinayo dayaca, karti xumada, iyo wax qabad la’aanta xukuumadda Xasan Sheekh oo ay sheegeen inuu wax u qaban weydey malaayiin dad Soomaaliyeed oo la tabaalaysan abaaraha ba’an.
Waa War-saxaafadeedkii ugu horeeyay ee Alshabaab ay si toos ah uga jawaabto eedeyn uga timid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale dib loo doortay, waxaana muuqata inay eedeyntaasi saameyn ku yeelatay.