Wararka laga helayo magaalada London ee dalka Ingirisika ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xsaan Xuseen (Nuur Cadde) uu geeriyooday.
Nuur Cadde oo da’diisu ka badan tahay 80 sano ayaa labadii toddobaad ee ugu danbeeyay u xanuunsanaa cudurka Coronavirus ee dunida ku faafay, waxaana lagula tacaalayey isbitaalka Kings College ee ku yaalla magaalada London, laakiin waxa la xaqiijiyey inuu cudurka u geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa, siiba wiilkiisa Maxmed Nuur Cadde.
Allaha u naxariistee Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa geeriyooday 7:00 subaxnimo ee saaka xilliga Muqdisho, waxaana lagu aasi doonnaa magaalada London.
