Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo muddo xanuunsanaa.
Marxuum Cumar Carte ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladii Kacaanka oo ka noqday wasiirka Arrimaha diabdda, wuxuuna ahaa diblomaasi caan ah, isagoo sanadkii 1991 uu madaxweynihii Cali Mahdi Maxamed u magacaabay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Marxuumka ayaa ku geeriyooday da’da 90 sano jirka, isagoo dhashay sanadkii 1930-kii, wuxuuna muddooyinkii dambe ku noolaa magaalada Haregeysa ee uu kasoo jeedo.
Arrimaha sida weyn loogu xusuusto waxaa ka mida inuu kala diray ciidamada xoogga dalka, kuna amray inay ku kala biiraan jabhadisii dalka markii uu Cali Mahdi u magacaabay Ra’iisal wasaare.
