Monday, June 23, 2025

Ra’iisal wasaarihii Ingiriiska oo Isbitaal loo dhigay Cudurka Covid-19 (Yaa ka taliya UK…? )

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa xalay la dhigay Isbitaalka, kadib markii ay xaaladiisa kasii dartay, isagoo muddo 10 maalmood ah cudurka ugu karaantiilnaa gurigiisa.

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa la dhigay isbitaalka ay maamusho NHS ee magaalada London, iyadoo loo maleynayo inuu ku yaallo St Thomas, waxayna arrintan ka danbeysay markii ay ka degi weysay qandhada cudurka, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Ingiriiska waxaa cudurka Coronavirus ugu dhintay dad gaaraya 4,934, waxayna dadka sida sare u dhaafeen 47,806 qof. Warbaahinta Ingiriiska ayaa is-weydiinaya cidda hadda ka talisa dalkaasi markii uu Ra’iisal wasaarahoodii isbitaal u galay Covid-19.

Ad

Xoghayaha Arrimaha dibadda UK Dominic Raab ayaa saaka guddoominaya Golaha Wasiirada dalkaasi ee loo saaray dagaalka lagula jiro cudurka Coronavirus, waxayna iyadoo ay u muuqato inuu si KMG ah dalkaasi u hoggaaminayo, balse xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa ku adkeystay in Ra’iisal wasaaraha uu xaaladda gacanta ku hayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON