Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Sacad Xariiri ayaa hakiyay, kana laabtay laabtay is casilaaddiisii lama filaanka lahayd ee uu ku dhawaaqay isagoo ku sugan dalka Sacuudiga.
Arrintan ayaa timid kadib markii xalay dib ugu laabtay dalka Lubnaan, isla markaana uu la kulmay madaxweynaha dalkaasi Micheal Own. Mr Hariri ayaa sheegay inuu is casilaaddiisa u gudbiyay madaxweyne Michel Aoun, balse “la waydiistay in uu u kaadiyo inta wadatashi dheeri ah laga samaynayo”.
Labada nin ayaa wadahadal yeeshay maalin ka dib markii uu Xariiri dalkaas ku laabtay. Waxaana socda dadaal xal loogu helayo arrimaha uu ka cabanayo Ra’iisal wasaare Hariri oo lagu booriyay in khilaafaadka dalalka Gobolka aanay saameyn ku yeelan xaaladda dalka Lubnaan
Madaxweyne Owun ayaa ku adkaystay in laga yaabo in lagu cadaadiyay Hariri iscasilaadda. Waxaana hore loogu eedeeyay Sacuudiga inuu culeys ku saaray Hariri arrintan.