Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal wasaarihii Lubnaan oo is-casilaad lama filaan ah uga dhawaaqay Sacuudiga

Ra’iisul wasaarihii dalka Lubnaan Sacad Al-Xariiri ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyaa Sacuudiga uga dhawaaqay inuu iska casilay xilka.

Mr Xariiri ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay tallaabadan, wuxuuna sheegay inuu u baqayo naftiisa haddii uu ku laabto Lubnaan, islamarkana ay taasi tahay sababta uu xilka uga degay.

Shirkiisa jaraa’id ee wuxau uu si kulul u canbaareeyay ururka Xisbullah iyo Iiraan, waxa uu sheegay in meel kasta oo ay Iiraan soo gasho ay cabsi iyo burbur la soo daristo.

Sacad al-Xariri ayaa sheegay in xaaladda ay maanta Lubnaan marayso ay la mid tahay tii dalkaasi ka jirtay markii la dilayay aabihii Rafiq sanaddii 2005. Mr Xariri ayaa qabtay xilka raisul wasaaranimada bishii December ee aanu soo dhaafnay.

Mr Xariiri ayaa Sacuudiga booqday dhowr jeer maalmihii la soo dhaafay . Sacuudiga ayaa waxa ay si wayn isaga soo horjeedaan dowlada Iiraan oo taageerta kooxda Shiicada ee Xisbullah, waxaana la sheegay inay culeys ku saartay Mr. Xariiri is casilaadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON