Musharaxa mucaaradka ee madaxweynaha Kenya Raila Odinga ayaa diiday natiijada doorashada madaxtinimada dalka Kenya ee uu ku horeeyo madaxweynaha xilka haya Uhuru Kenyatta.
Wuxuu sheegay in wakiilada xisbigiisa ee xarumaha doorashada ku sugan ay sheegeen inuu isaga ku horeeyo doorashada, wuxuuna been abuur iyo wax aan jirin ku tilmaamay natiijada qabyada ah ee ay baahiyeen guddiga doorashada dalka Kenya.
Madaxweynaha talada haya ee dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa hogaaminaya codadka ilaa iyo iminka la tiriyey ee doorashadi madaxtinimada ee Talaadadi shalay ka dhacday dalkaasi.
Tirinta codadka oo wali socaneysa, balse guddiga doorashada ayaa sheegay in Kenyatta uu ku hogaaminayo 55% halka hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu hadda marayo 44%.
Guddiga doorashooyinka ayaa heysta muddo todobaad ah si ay usoo bandhigaan natiijada rasmiga ah, balse waxay heystaan ikhtiyaar ah inay soo hormarin karaan natiijada si looga hortago qalalaase.