Tuesday, July 1, 2025

Rasaas ka dhacday Guriga uu ku xiran yahay Sheekh Mukhtaar Roobow & Faahfaahin..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay rasaas xalay ka dhacday Guriga uu ku xiran yahay Sheeh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ee magaalada Muqdisho.

Sida laga helay ilo kala duwan waxaa muran dhex maray laba askari oo ka mida ciidamada NISA ee ilaaliya hoyga uu xabsiga Guriga ku yahay Sheekh Mukhtaar Roobow, taasoo keentay inay is rasaaseyeen, halkaasoo lagu dilay askari magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdullaahi oo ahaa dable ka tirsan NISA.

Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay Hay’adda NISA iyo faahfaahin laga bixiyey sababta dhalisay ciidamada isku dhacay ee ilaalada ka ahaa Sheekh Mukhtaar Roobow oo muddo u xiran dowladda Soomaaliya.

Macluumaadka la helayo ayaa intaas ku daraya in gacanta lagu hayo askarigii ka dambeeyay dilka Aweys, kaas oo lasoo wariyey in hub ka dhigis lagu sameeyay isla markaana xabsi loo diray.

Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hay’adda sirdoonka ee NISA ayaa nan wali ka falcelin dhacdadaan oo kusoo aadeysa xili ay isa soo tarayeen baaqyadda ku saabsan in lasii daayo Mukhtaar Roobow.

Abuu Mansuur oo bishii December ee sanadkii 2018-kii laga soo xiray Baydhabo xili uu u sharaxnaa madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa soo noqdey hogaamiye ku xigeenka iyo afhayeenka Al-Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON