Rasaas culus ayaa ka dhacday agagaarka xarunta madaxtooyada dalka Guinea ee Conakry, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan inuu dhacay isku day afgembi.
Cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee uu hoggaaminayo taliye hore Mamady Doumbouya, ayaa lagu weerar ku qaaday madaxtooyada oo rasaasta ka dhacday. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ayaa sheegay in madaxweyne Alpha Conde oo 83 jir ah aanay waxba soo gaarin.
Wararka ayaa sheegaya inuu dalkaasi ka socdo afgembi milateri, waxaana la baahiyey muuqaal muujinaya inuu madaxweynihii dalkaasi u gacan galay ciidamada wada inqilaabka.
“Waxaan go’aansannay ka dib markii aan qabannay madaxweynaha, in kala diro Dowladda, lana laalo Dastuurka, waxaan sidoo kale go’aansannay inaan kala dirno xukuumadda iyo in la xiro xuduudaha dhulka iyo cirka, ”ayuu yiri mid ka mida askarta inqilaaka ee bayaanka soo saaray.
Mid ka mida saraakiisha militariga ayaa sheegay in la xiray buundada kaliya ee isku xirta wadadda weyn madaxtooyada ilaa xaafadda Kaloum, oo uu ku yaallo qasriga Madaxtooyada iyo inta badan wasaaradaha dowladda, waxaan ku sugnaa askar badan oo qaarkood aad u hubeysan yihiin.
Xaaladda ayaan kala caddeyn, waxaana weli soo baxaya warar iska horjeeda oo ku saabsan halka uu ku danbeeyay madaxweynihii dalkaasi Alpha Conde oo ciidamada Afgembiga waday ay qabteen.
Madaxweyne Conde ayaa dhowaan ku guuleystay mar saddexaad doorasho muran dhalisay bishii Oktoobar 2021, kadib markii uu beddelay dastuurkii dalkaasi si au ugu suuragasho inuu mar kale u tartamo Doorashada, waxaana dalkaasi hareeyay mudaaharaadyo rabshado oo dhigeen mucaaradka.
