Tuesday, July 1, 2025

Rasaas ka dhaceysa Magaalada Baydhaba iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Mukhtar Roobow

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in xiisad colaadeed iyo rasaas ka socoto magaalada, kadib markii halkaasi lagu xiray Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa musharaxiiinta Doorashada madaxweynaha K/Galbeed.

Wararka ayaa sheegay in dagaal dhex maray ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka ay geystay magaalada iyo ciidamo taageersan Mukhtaar Roobow oo isku haleelay agagaarka Madaxtooyada, waxaana weli socda rasaas goos goos ah, iyadoo xaaladda ay qasan tahay. 

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu arkay magaalada Baydhaba, iyagoo wata gaadiidka dagaalka, waxaana wehliya ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ay geysay magaaladaasi, waxaana la xiray isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa magaaladaasi.

Waxaa lasoo sheegayaa in dagaal weli socdo iyado uu jirto  qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, sida ay sheegayaan xubno ku xayiran madaxtooyada magaalada Baydhaba oo rasaastu ku qabsatay.

Waxaa la jaray isgaarsiinta magaalada Baydhaba, waxaana dhibaato noqotay sida loola xiriiro dadka magaalda ku sugan, magaalada ayaa la sheegayaa in Sheekh Roobow ay ciidamada Itoobiya u kaxeysteen dhinaca Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhaba.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa Mukhtaar Roobow la filayo in diyaarad laga saaro garoonka magaalada Baydhaba, iyadoo la geynayo magaalada Muqdisho oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in lagu xiro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON