Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyada burcad badeedka ee xeebaha degaanada Puntland ku qabsatay Markabka Ganacsi ee Aris 13 ayaa rasaas is weydaarsaday maanta.
Sida ay sheegayaan wararka laga healyo degmadda Caluula ee gobolka Bari, rasaastan ayaa socotay muddo kooban, waxaana arrintan keenay koox maleeshiyo kale oo isku dayday inay ku biiraan kooxda qabsatay Markabka.
Cali shire Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Degmada Caluula ayaa saxaafadda u sheegay in rasaastu socotay waqti yar, kooxda cusub ee ku socotay Markabka ayaa rasaas kala kulmay ciidamo ilaalo ka haya Markabka.
Lama soo werin qasaare ka dhacay rasaasta ka dhacday Markabka Aris 13 ee lagu heysto xeebaha gobolka Bari ee maamulka Puntland.
Markabkan oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, wuxuu sitaa calamka Calanka Sri Lanka, ayaa Isniintii hore waxaa qabsaday koox burcad badeed ah oo ka soo jeeda Puntland, arrintan oo ahayd mid aan dhicin muddo 5 sano ah.