Monday, July 14, 2025

Rasaas lagu furay baabuur Aroos galbineysay iyo ninkii arooska ahaa oo lagu dhaawacay [Warbixin]

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Degmada Dharkeynley iyo kuwa xasilinta  caasimadda ee Gobolka Banaadir ayaa  rasaas ku furay baabuur galbineysay Aroos.

Wararka ayaa sheegaya in falkan oo xalay dhacay inay is-rasaaseyn dhex martay ciidamada degmada iyo ciidamo galbinayay arooska, waxaana  rasaasta ku dhintay hal qof, iyadoo 2 qof  oo kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay ayaa las heegay inuu ka mid yahay Ninkii arooska ahaa oo dhaawiciisa  lagu sheegay mid culus iyo qof haween ah oo ka mid ahayd dadkii la socday arooska ah.

Is-rasaaseenta ayaa ka dhalay xilli ciidamada ammaanka degmada dharkeyley howlgallo  ka wadeen agagaarka Saldhiga Galbeed, waxaana la sheegay inay amreen gaaraawida arooska galbineysay in la joojiyo, basle ay diideen dableydii la socotay, taasoo keentay inay isku dhacaan labada dhinac.

Arrintan ayaa si weyn loo hadal hayaa iyadoo wiilkii arooska ahaa uu dhaawac ka soo gaaray is-rasaaseynta, isla markaana uu sidaasi ku hakaday arooskii qorshihiisu ahaa inuu xalay aqal galo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON