Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Kenya is rasaaseyn ay ku dhexmartay xuduudka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in israsaaseynta an ay ka dhalatay kadib markii ciidamada Kenya ay isku dayeen cabiraan dhul ka xuduudka dhinaca Soomaaliya; islamarkaana la arkay inay wadeen dhaqdhaqaaq dhul balaarsi.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan xuduudka oo ka carooday tallaabadaasi ayaa rasaas huwiyay ciidamada Kenya oo dhinacooda rasaas kale ku soo jawaabay, waxaana goobtii ka dhashay xaalad colaadeed oo lagu kala cararay.
Lama soo werin qasaare ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay degmada Ceelwaaaq ee Gobolka Gedo ee u dhexeysay Ciidamo Soomaaliya iyo Kenya.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku joogo dalka Kenya, ayna heshiis kala saxiixdeen labada dal ay ka mid ahayd isku furka xuduudka labada dal.
Goobjooge.com