Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in is rasaaseyn ay caawa ka dhacday magaaladaasi.
Is-rasaaseynta ayaa ka danbeysay markii ay rasaas is weydaarsadeen askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo nin shacab ah oo ku hubeysnaa qori A47.
Rasaasta labada nin dhex martay ayaa keentay inay ku dhimato gabar yar oo 13 sano jir, waxaana ku dhaawacmay ilaa 5 ruux oo kale, kuwaasoo la dhigay isbitaalka magaalada.
Iska hor imaadka ayaa ka dhashay khilaaf dhex maray askariga iyo ninka shacabka ah, waxaana gabadha geeriyootay ay la dhalatay askariga sida wararku sheegayaan. Waxaana falkan uu ka dhacay xaafadda Raadaarka ee magaalada Beledweyne oo xalay lagu dilay Ganacsade caan ahaa.
Xaaladda magaalada ayaa laga soo sheegayaa inay kacsan tahay iyadoo dilalka labadii habeen ee ugu danbeeyay ay sii dareen xiisad beeleed ka jirta halkaasi.
Goobjooge.com