Roobab xoog leh oo maata iyo caawa ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa dhaliyey inay xirman wadooyin badan, waxaana ka dhashay qasaare kala duwan, iyadoo gurmad loo sameeyay guri ay roobabku sababeen inuu dumo.
Guriga dumay ayaa ku yaallay Waaxda Yuusuf Alkowneen ee Degmada Boondhere, iyado ay u gurmadeen dab-damiska G/Banaadir badbaadinta laba qof oo Guriga uu ku dumay, waxaana laga soo saaray dhismaha dumay oo ka mid ahaa Wasaaradii Arrimaha gudaha.
Waxa goobta tegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), iyadoo magaalada inteeda badan ay saameyn ku yeesheen roobabka xoogga leh ee maasheeyay oo sababay inay xirmaan wadooyin muhiim u ahaa isu socodka gaadiidka iyo dadka caasimadda Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay roobabka Muqdisho ay sababeen geerida saddex qof oo ay la tageen daadadka iyo qaar guryo ku dumeen, waxaana xiran wadooyin badan oo waxyeello weyn kasoo gaartay daadad soo rogmaday.
Xalay iyo shalay waxaa magaalada Muqdisho ka da’ayey roob xoog leh oo si weyn loogu diirsaday, balse qaar ka mida xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir gaarsiiyey qasaare kala duwan.





