Xubnaha Guddiga Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha  ee xukuumadda Soomaaliya magacawday ayaa ka hadlay howsha loo xil saaray iyo khilaafka ka taagan Ganacstada isku heysata maamulka Rugta Ganacsiga.
Qoraal kasoo baxay Guddiga uu magacaabay Wasiirka ganacsiga oo lagu tilmaamay Guddi sharci darro ah ayaa lagu sheegay qodobo ay doonayeen in ugu danbeyn la qabto Doorashada Rugta kala qeybsan ee Ganacsiga, iyo inay la sameeyo nidaam maaliyadeed ganacsatadu iska qaadaan.
Rugta Ganacsiga ayaa dhaqaale ku dhow Nus Milyan Dollar sanadkii ka heli jirtay Miisaaniyadda dowladda Federaalka, taasoo keenay in la isku qabsado dhaqaalahaasi iyo khilaafka weyn ee kala qeybiyey ganacsatada.
Khilaafka ganacsatada Muqdisho oo muddo dheer soo taagnaa ayuu Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Khaliif Cabdi Cumar uga sii daray markii uu qeyb ka mida la saftay, isagoo kala diray madaxdii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, kadibna magacaabay Guddi sii maamula Rugta.


