Sunday, June 29, 2025

Ruushka iyo Mareykanka oo qarka u saaran isku-dhac & Dagaalweynihii 3aad oo la hadal hayo

Ruushka iyo Mareykanka ayay ka dhex taagan tahay, iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka labada dal ee ugu awoodda badan dunida xilligan.

Muranka labada dal ayaa salka ku haya dagaalka Suuriya oo ay ku lug leeyihiin, waxaana toddobaadkii ugu danbeeyay uu ahaa kii ugu adkaa ee labada dal ay is weydaarsadeen hadallo kulul oo diblomaasiyadeed iyo tallaabooyin milateri.

HANGZHOU, CHINA  SEPTEMBER 5, 2016: Russia's President Vladimir Putin (L) and US President Barack Obama meet on the sidelines of the G20 summit. Alexei Druzhinin/Russian Presidential Press and Information Office/TASS (Photo by Alexei DruzhininTASS via Getty Images)
Russia’s President Vladimir Putin (L) and US President Barack Obama – HANGZHOU, CHINA SEPTEMBER 5, 2016-: Getty Images

Mareykanka ayaa joojiyay wixii xiriir ahaa ee arrimaha  Suuriya uu kala sameyn jiray Ruushka, taas bedelkeeda Ruushku wuxuu hakiyay fulinta heshsiiyo waaweyn oo lagu dhimayo hubka Niyukliyeerka ah.

Xaaladda ayaa ka sii dartay markii Raashiya ay ka hor timid xabad joojin laga sameeyo bariga magaalad Xalab (Alepo), waxaana wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka uu Ruushka ku eedeeyay inay ku kaceen dembiyo dagaal.

Ruushka wuxuu si cad u sheegay inuu  is-hortaagi doonto qorshe Faransiiska uu wado oo lagu doonayo in xabad joojin ka dhacdo magaalada Xalab. Ruusha ayaa isna la yimid qaraar kale oo ku saabsan magaalada Xalab.

Laakiin safiirka Ruushka u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobeey, Vitaly Churkin ayaa sheegay in dalkiisa uusan arkin sabab uu ku meelmariyo qorshahaasi. Mr Churkin wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in qorshaha uu yahay xeelad diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in Ruushka la gaarsiiyo heer uusan diidi karin xabad joojinta.

Ruushka iyo Mareykanka ayaa xiriirkoodu gaaray halkii ugu xumeyd, iyadoo Ruushka uu gantaallo casri ah geeyay dalka Suuriya ayaa Khubarada caalamka waxay saadaalinayaan in Suuriya noqon karto halka uu ka bilowdo dagaalka saddexaad ee adduunka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON