Friday, July 11, 2025

Ruushka oo Duqeeyay Xaruntii Sirdoonka Caasimada Ukraine iyo Ciidamadii xuduudka oo la go’doomiyay

Wararkii ugu danbeeyay ee Weerarka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine ayaa sheegaya inay xoogeysteen duqeynta ku socota xarumaha ciidamada dalkaasi.

Goor dhowr waxay ciidamada Russia duqeeyeen xarunta Sirdoonka dalkaasi ee caasimadda Kiyev, waxaana ka socda qiiq madow iyo holac, iyadoo ciidamada dalka Ukraine la dhigay wadooyinka magaalada Kiyev, markii ugu horeysay.

Wararka ka imaanaya xuduudka Ukraine ee Gobollada Dobnas iyo Luhanest ayaa sheegaya in ciidamno badan oo Ukraine ah la go’dooniyey, isla markaana Gaas ka mida ciidamada Gawaarida Gaashaaman ee Ukraine ay is dhiibeen.

Dhinaca kale Ciidamada Ruushka ayaa qabsaday magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine, Kharkov iyadoo xarunta Baarlamaanka magaaldaaasi laga taagay calanka Russia

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa amray weerarka oo bilowday saaka aroortii xilliga dalka Ukraine, waxaana dagaallo culus ka socdaan Gobollada Donesk iyo Luhanest ee Ruushku aqoonsaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON