Ruushka oo Gantaal aan hore loo adeegsan ku burburiyey Bakhaarada Hubkii Reer Galbeedku siiyay Dalka Ukraine (Sawirro)
Dowladda Ruushka ayaa markii ugu horreysay shaaciay inay adeegsaday gantaallada casriga ah ee ‘Kinzhal hypersonic’ oo lagu riday Galbeedka dalka Ukraine.
Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay maanta, in gantaalladaasi lagu burburiyay goob hubka lagu keydiyo oo ku taalla dhulka hoostiisa galbeedka dalka Ukraine.
Wakaaladda wararka ee dawladda ee RIA Novosti ayaa sheegtay inay ahayd markii ugu horreysay ee la isticmaalo hubka Kinzhal hypersonic intii lagu jiray dagaalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.
Gantaalkan ayuu Ruusku ku tilmaamaa mid ‘aan la joojin karin’ oo dhammaan hubka reer Galbeedka ee difaacyada hadda jira, aanay ka hortegi karin, wuxuuna gaaraya masaafo dhan 1,250 mayl, isagoo awood inuu qaado madaxyada nukliyeerka.
Gantaalaha Kinzhal ee hawada sare laga rido dhulkana waxa ka burburiya, waxay Ruushku la beegsadeen Bakhaar weyn oo dhulka hoostiisa ah oo ay ku jiraan gantaalada iyo rasaasta reer Galbeedka u direen dalka Ukraine, waaaana qaraxyo waaweyn laga maqlaytuulada Delatyn ee gobolka Ivano-Frankivsk.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa gantaalkan ku tilmaamay ‘hub ku habboon’ kaasoo jaraya xawaare 10 laab ka badan dhawaaqa, kana gudbi kara hababka difaaca hawada ee Reer Galbeedka.
Deliatyn, oo ah tuulo ku taal cirifka buuraha Carpathian, waxay ka baxsan tahay magaalada Ivano-Frankivsk. Gobolka Ivano-Frankivsk wuxuu xuduud dheer oo 30-mile ah la wadaagaa dalka Romania oo xubin ka ah NATO.



