Sunday, June 22, 2025

Ruushka oo u hambalyeeyay William Ruto iyo Wafdi Mareykanka oo tegay Dalka Kenya

Dowladd Ruushka ayaa hambalyo u dirtay madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto, isagoo qatay go’aan uu ku aqoonsaday natiijada doorashada lagu muransan yahay ee Kenya.

Qoraal maanta kasoo baxay kasoo baxay safaaradda Ruushka ee magaalada Nairobi ayaa lagu hambalyo loogu diray William Ruto, iyadoo Ruushku rajaynayo in la horumariyo iskaashi dhammaystiran oo labada dhinacba ee Kenya iyo Russia faa’iido u leh.

“Waxaan ku kalsoonahay in xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo dadkeena uu dib u soo celin doono lana sii xoojin doono,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Safaaradda Ruushka ee dalka Kenya.

Ad

Dhinaca kale wafdi ka socda Mareykanka ayaa gaaray dalka Kenya, iyagoo lulamo la yeelanaya madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta, madaxweynaha la doortay William Ruto iyo hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Senator Chris Coons oo socdaallo ku maraya 5 Dal oo Afrikaan ah ayaa xaaladda doorashada Kenya iyo muranka ka taagan kala hadlaya madaxweyne Kenyatta, William Ruto iyo Raila Odinga.

Mareykanka ayaan weli hambalyo u dirin Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto, inkastoo ay bogaadiyeen qaabka ay doorashada dalkaasi u dhacday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON