Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qarka u saaran inuu xilalka ka qaado wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.
Wasiiradan ayaa toos uga amar qaata Madaxtooyada Soomaaliya , waxayna saaxiibo dhow la yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo wararku sheegayaan in qaarkood dib loo dhigay xil ka qaadistooda toddobaadkii hore.
Wasiirada ay seeftu saaran tahay ee lagu wado inuu Rooble xilalka ka qaado ayaa waxaa ka mida: Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle oo wareegto toos ugu socota lagu amray maanta inuusan bixin karin wax kharash ah oo aanu ogolaan Ra’iisal wasaaraha.
Wasiir Beyle ayaa xil ka qaadistiisa ku xiran tahay inuu u hoggaansami waayo amarka Ra’iisal wasaaraha, iyadoo hore uu qeyb uga ahaa qorshe uu watay Farmaajo oo Maxamed Xuseen Rooble laga xayiray dhaqaalaha, si dhaqdhaqaaqiisa loo yareeyo.
Wasiirada kale ee la filayo in xilka laga qaado waxaa ka mida Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo ka mida saaxiibada ugu dhow ee Maxamed Farmaajo. Dhinaca kale waxaa lagu wadaa inuu isbedel ku sameeyo Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo talisyada qeybaha.
Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo weli taagan ayaa u xuub siibtay loolan awoodeed, waxaana lagu guuleysan waayey isku daygii ugu danbeeyay ee shalay ilaa xalay socday, kaasoo la isugu keenay labada dhinac.
Waxaa laga cabsi qabaa haddii an xal loo helin khilaafka inay xaaladu kasii dari doonto, taasoo saameyn ku yeelan doonta doorashada gaabiska ku socota.
