Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta tegay degmada Aadan Yabaal ayaa saddex farriimood gaarsiiyay Saraakiisha iyo Ciidamadaa Xoogga Dalka ee halkaas soo gaaray.
Xamse ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan u soo daatay ee dalka looga sifeynayo cadowga Khawaarijta ah. “Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la maja-xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa farriintiisa koowaad ahayd inay qasab tahay Geeri iyo halyeeyo naftood hurayaal, halka farriinta labaad uu ka dhigay in dagaalka Alshabaab lagula jiro uu sii socon doono inta ay ku harsan yihiin argagixisadu taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo farriinta saddexaad oo ahayd lala xisaabtani doona kuwa doonaya inay xagal daaciyaan dagaalka.