Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay fannaaniinta Soomaaliyeed oo u badan qurba joog ah oo maalmahaan ku qulqulayay gudaha magaalada Muqdisho si ay u xuubistaan shacabka Muqdisho oo ay u qabanayaan sandhog fanned ciida iyo maalmaha xorriyada.
Kulaankaan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid dhiiri gellin ah isla markaana fannaaniinta xoojiyaan wacgalinta bulshada ee ku aadan fahansiinta qiimaha ay leedahay dowlnimada iyo nabada.
Waxaa la yaab leh in fannaaniin caan ah oo kuwo cusub iyo kuwo hore isugu jiraan, saldhigooduna yahay hobolada Qaranka ee kooxaha Heegan, Horseed iyo kooxha kale in ra’iisul wasaaraha uu ka doorbiday kuwo qurba joog ah oo Muqdisho u yimid inay shacabka xuubsadaan taageero ka radio ra’iisul wasaraaha.
Xasan Cali Kheyre iyo xukuumaddiisa oo ku caanbaxday ismuujin iyo soo jiidashada shacabka ayaa kulankaan wuxuu qeyb ka ahaa sidii bulshada looga iibin lahaa nidaamka dowladeed ee hadda ka jira Somalia.