Waa kuwee labada dal oo kaliya ayaa taageeray Duullaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukriane?
– Suuqyada caalamka ayaa dhabarka ayuu saameyn ku yeesahy Duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyadoo Lacagta Ruble ee Ruushku ay hoos ugu dhacday qiimihii ugu hooseeyay weli.
– Qiimaha Saliidda ayaa sare u kacay $100 foosto, markii ugu horeysay mudo sanado ah
– Midowga Yurub ayaa sheegay in uu ku soo rogi doono cunaqabatayn cusub, la xayirayo hantida Ruushka, joojinta gelitaanka bangiyada ay ku leeyihiin suuqa dhaqaalaha Yurub iyo bartilmaameedka ‘danaha Kremlin’.
– Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ku tilmaamay duullaankan “mid ka mid ah saacadihii ugu madoobaa ee Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka”
– Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisa ay “cunaqabatayn adag” ku soo rogi doonaan Ruushka.
– RW Britian Boris Johnson ayaa duulaanka Russia ku tilmaamay ‘masiibo ku habsatay qaarada Yurub’.
– Shiinaha ayaa ku celceliyay baaq ah in wadahadalo lagu xalinayo qalalaasaha ka taagan Ukraine, isagoo diiday inuu dhaleeceeyo weerarka Ruushka wuxuuna ku eedeeyay Mareykanka iyo xulafadiisa inay xaaladda uga sii darayaan.
– Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in weerarka ku socda Ukraine uu ka dhashay tallaabooyinka Gaashaanbuuurta NATO iyo Daandaansiga dalalka reer Galbeedka ee Mareykanka iyo Yurub.
– Turkiga ayaa cambaareeyay weerarka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, wuxuuna madaxweyne Erdogan sheegay inuu taageerayo halganka dadka Ukriane, isagoo telefon kula hadaly Madaxweynaha Ukraine.
– Wadamada bartamaha Yurub ayaa bilaabay diyaar garow ay ku qaabilayaan ku dhawaad boqol kun oo qaxooti ah oo kasoo cararaya dagaalada Ukraine.
– Ruushka ayaa hakiyay dhaq-dhaqaaqii maraakiibta ganacsiga ee badda Azov, balse waxa uu dekedihiisa ku yaalla Badda Madow u furnay inay maraan. Sidoo kale wuxuu xiray marinka Kerch Strait, ee u dhaxeeya badda madow iyo Azov.
– Ukraine ayaa Turkiga ka codsatay inuu xiro marinnada Bosphorus iyo Dardanelles, kuwaas oo ka yimaada badda Mediterranean-ka ilaa badda madow, si aysan u adeegsan maraakiibta Ruushka.
