Afar dal oo Carbeed ayaa dawladda Qatar ka dalbaday liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay waajib tahay in ay fuliyaan haddii ay rabto in laga qaado xayiraadda ay saareen, sida ay wakaaladuhu ku warramayaan.
Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carrabta iyo Baxrayn ayaa waydiisanaya Qatar in ay xirto oo albaabada u laabto Telefishanka Al-Jazeera, waxay kaloo doonayaan inay xirto saldhiga uu Turkigu ku leeyahay Qatar, shuruudahaas oo dhanna ay ku fuliso muddo 10 maalmood gudahood ah.
Waxaa kaloo la sheegay in dalabka ka kooban 13-ka qodob ee Qatar loo mariyay Amiirka Kuweyt ay ka mid yihiin inay joojiso taageerada kooxdaha argagixisada ah iyo inay dalalkaasi u gacan geliso mucaaradka ku sugan dalka Qatar.
Qatar ayay labo toddobaad saaran tahay xayiraad dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed, arrintaas oo aan la filaynin ayaa noqotay culayskii ugu waynaa ee dalalka Khaliijka ka dhacda muddo tobannaan sano ah.
Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qatar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid “sabab leh oo wax laga qaban karo”.
Shuruudahan ayaya dalalka ka horjeeda ku qaadatay inay diyaariyaan muddo ku dhow saddex toddobaad, taasoo ka careysiisay Mareykanka, waxaana xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka uu dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka u sheegay inay la yimaadaan Dalab macquul ah oo laf fulin karo.
Waqtiga ay u qabteen iyo dalabyada ay soo gudbiyeen ayaa u muuqda kuwo aan soconeynin, iyadoo xiisaddan ay u eg tahay mid muddo dheer qaadan doonta.