Sunday, July 13, 2025

Sacuudiga oo 30 Milyan oo Doolar dul dhigay Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta Yeman [Sawirro]

Boqotooyada Sacuudiga ayaa soo saartay liiska 40 xubnood oo ka mida hoggaamiyeyaasha iyo saraakiisha kooxda Xuuthiyiinta Yeman ee dagaalku kala dhaxeeyo, kuwaasoo madaxooda la dul dhigay lacago badan.

Sacuudiga ayaa lacagta ugu badan dul dhigay madaxda Hoggaamiyaha kooxdaasi C/Malik Alxuuthi waxaana qofkoo soo sheegaya meesha uu ku sugan yahay in macluumaad lagu qaban karo ama lagu dilo karo loo ballanqaaday lacag dhan 30 Milyan Doolar.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yeman C/Malik Alxuuthi
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yeman C/Malik Alxuuthi

Waxaa liiska ku jira 39 xubnood oo kale oo mid waliba lacag la dul saaray madaxiisa, iyadoo lacagta guud ay gaareyso 440 Milyan oo doolar. Tallaabadan ayaa ka dambeysan Gantaalkii ay Xuuthiyiinta habeen hore ku rideen Garoonka diyaaradaha Boqor Khaalid ee magaalada Riyaad.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA XUBNAHA XUUTIYIINTA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON