Monday, June 23, 2025

Sacuudiga oo Amiir cusub u diyaarinaya Dalka Qatar & Xiisadii labada dal oo ka sii dartay [Sawirro]

Xiisadda ka dhex taagan dalalka Sacuudiga iyo Qatar ayaa kasii dartay iyadoo dagaalka warbaahineed ee labada dal uu marayo heerkii ugu sareeyay.

Arrinta cusub ee xaaladda uga dartay ayaa timid kadib markii Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis uu ku dhawaaqay in xujeyda Qatar loo furayo xuduudka, loona dirayo diyaarado gaara, isagoo bixinaya kharashka.

Sacuudiga ayaa soo bandhigay Sheekh ka mida Qoyska Al-thani oo lagu magacaabo C/llaahi Cali Al-thani, kaasoo ay sheegeen inuu ka shaqeeyay arrintan, waxaana warbaahinta Sacuudiga ay si weyn u buunbuunisay ninkan ka tirsan Qoyska ka taliya dalka Qatar.

Ad

Boqorka Sacuudiga iyo wiilkiisa leh dhaxalka ayaa qaabilay C/llaahi Cali Al-thani, waxaana arrintan loo arkay in ninkan uu yahay  shaqsiga ay wataan Sacuudiga si uu amiir uga noqdo dalka Qatar, loona afgembiyo amiirka hadda talada haya ee Tamiim Bin Hamad Al-thani.

Sheekh C/llaahi Cali Al-thani, -Wadaadka Sacuudigu wato-
Sheekh C/llaahi Cali Al-thani, -Wadaadka Sacuudigu wato-

Hore ayaa Sacuudiga isugu dayeen inay afgembi uga ridaan dalka Qatar, waxaana la yaab leh in warbaahinta Sacuudiga ay Sheekh C/llaahi Cali Al-thani hadal heyso, waxaana dhowaan loo furay bar uu ku leeyahay twiter-ka, kaasoo lagu baahiyay warbaahinta Sacuudiga, waxaana farriintii ugu cusleyd uu Sheekhani ugu jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Qatar.

Dhinaca dalka Qatar ayaa isna olole warbaahineed cusub ka bilaabay Sacuudiga, iyadoo waxba kama jiraan ka dhigay yabooha Sacuudiga, waxayna arrinta ugu weyn ee Warbaahinta Qatar xoogga saareyso ay noqotay siyaasadeynta Xajka ee Sacuudiga oo ah arrin madax xanuun weyn ku ah Sacuudiga.

- Advertisement -

Xaaladda ka dhex taagan labadan dal ayaa mareysa halkii ugu sareysay iyadoo ka gudubtay xadkii meelaha aan la taaban, taasoo Sacuudigu bilaabay.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON