Shirkadda diyaaradaha qaran ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dowladda Qadar aanay weli siin ogolaansho ah inay dalkaasi kasoo daabusho dadka doonaya in sanadkan ay soo xajiyaan.
Labada dal ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhex taagnaa xiisad diblomaasi, taasoo keentay in xukuumadda Riyad iyo dalal kale oo xulafo la ah ay xiriirka u jaraan Dooxa, isla markaana ka xirtaan xuduudaha dhulka, badda iyo hawada.
Dowladda Sacuudiga ayaa todobaadkii lasoo dhaafay shaacisay in ay soohdinteeda u furayso xujeyda Qadar, tallaabadaasi oo u muuqatay mid muujinaysa in xiisadda ay hadda hoos u dhacday.
Shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga ayaa sheegaysa in maalmo ka hor ay u gudbisay xukuumadda Qadar codsi ah inay dalkaasi ka qaado xujeyda doonaysa inay hawada ku safraan, balse aanay wax jawaab ah helin.
Qadar ayaa dhinaceeda ku doodeysa inaysan jirin wax qorshe ah oo damaanad qaadaya amamanka xujeyda Qadar oo warka kasoo baxay Sacuudiga uu yahay mid warbaahinta loogu talogalay oo aan xaqiiqo ahayn.
Doxa waxay sheegtay in Sacuudiga ay xilli dambe ku dhawaaqday qorshaha xujeyda Qadar, iyadoo aanay jirin xiriir labada dhinac ah, isla markaana diyaaradaha Qadar aan looo ogoleyn inay qaadaan xujeydeeda, iyadoo Sacuudiga u sheegtay, inaysan dadkeeda u baahneyn kharash uu ka bixiyo boqorka Sacuudiga.
Dalalka go’doomiyay Qadar ayaa ku eedeeyay inay taageerto ururo ay ku sheegeen argagixiso, eedeyntaasi oo ay beenisay xukuumadda Dooxa.