Sacuudiga oo ku dhaawaqay dhalashada Bisha Dil-xaj & Maalinta ay ku beegan tahay Ciidul Adxaa [Akhriso]

0

Maxkamada Sare ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa Caawa ku dhawaaqday maalinta Ciidul Adxaa ku beegan tahay iyo dhalashada bisha Dul Xaj.

Maxkadda Sare ee Sacuudiga ayaa shaacisay in maalinta Berri ah ee Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Dil-Xaj, isla markaana maalinta Talaadadda oo ku beegan 21-ka Ogost ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ama 10-ka Dilxaj (Bisha Carafo).

Maalinta Carafo ee 9-aadka ayaa ku sanadkan ku soo beegmeysa Isniinta oo ku beegan 20-ka Ogost, waana maalinta ay xujeyda taagan yihiin Buurta Carafa.

Xajka Sanadkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya malaayiin xujey ah oo ka kala yimid dunida daafaheeda, waxaana Ciidul Adxaa ay ku soo beegantay iyadoo xujeyda dalka Qatar aysan sanadkan xajka gudaneynin xiisada ka taagan Sacuudiga iyo Qatar awgeed.

Ciidul Adxaa ayaa ah ciida labaad ee islaamka, waxaana fasaxa Ciidul adxaa uu aalaaba socdaa 3 maalmood, halka sharci ahaan maalmaha (Hilbo-warashada أيامُ التشريقِ ) oo lagu tiriyo Ciidul Adxaa ay socdaan muddo 3 maalmood ah oo ku eg 13-ka Bisha Dulxaj.