Sunday, June 22, 2025

Sacuudiga oo ku dhawaaqay xilliga Ciidul Fitriga iyo Dalalka Muslimka ee laga ciidayo maalinta Khamiista

Boqortooyada Sacuudiga ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday in la waayey Bishii Shawaal (Soonfur) oo Berri Arbaco 12-ka May ay tahay maalin Soon si loo dhammeystiro.

Goobihii Dalka Sacuudiga ee laga raadiyey ayaa la caddeeyay in dhamaan laga waayey oo aysan suuragal noqon in la arko dhalashada Bisha Shawaal, taasoo keenay in lagu dhawaaaqo in Berri la dhammeystirayo bishii Ramadaan, Khamiistana ay ahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.

Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa si rasmi ah hadda ugu dhawaaqday in Berri oo Arbaco ah ay tahay 30-ka Ramadaan, maalinta koowaad ee Ciidul Fitrigana tahay Khamiista.

Ad

Dalalka sida rasmiga ah ugu dhawaaqay inay Berri tahay 30-ka Ramadaan oo Ciidul fitriga 1442H ku beegan tahay waxay kla yihiin:

Qatar
Sacuudiga
Indonesia
Maleysiya
Turkiga
Baxreyn
Imaaraadka Carabta
Syriya
Yeman
Ciraaq
Jordan
Kuwait
Falastine
Lubnan
Somalia
Masar
Libya
Sudan

Waxaa lagu wadaa inay Khamiista tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga oo ay isku wada raacaan dhammaan dallaka muslimka oo qaar ka mida Soonka u bilowday Arbacadii, maantana ay u ahayd 28-ka Ramadaan.

- Advertisement -

Xilli hore waxaa shaaciyey inay waayeen bishii Shawaal oo ay Khamiista tahay Ciid dalalka Indonesia, Maleysiya, Turkiga iyo Muslimiinta Australia, Singapore iyo Philipine.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON