Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday dhalashada Bisha Carafo (Dulxaj) ee sanadkan iyo maalinta ay ku beegan tahay Ciidul Adxaa.
Maxkamadda Sare ee Sacuudi Carabiya ayaa xalau shaacisay in maanta oo ah Sabti la dhammeystiri doono Bisha Sidataal (Dulqacda), kadib markii la waayey dhalashada bisha, sidaas darteedna Bisha Dulxaj ee Carafa ay bilaaban doono Axadda.
Maalinta 9-aad ee Carafada sanadkan 1442 H ayaa ku beegan 19 July 2021, halka maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ay noqon doono 20-ka July 2021, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.
Maxkamadda Sare ee Sacuudi Carabiya ayaa hore ugu baaqday dhammaan Muslimiinta ku nool dalkaasi in ay baaraan aragtida bilashada bisha Dul-Hijjah, balse la waayey, waxaana Xajka sanadkan markii labaad aan loo ogoleyn dadka ka imaanaya dibadda.
Sanadkan waxaa xajka ka qeyb qaadan doona 60-kun Qof oo gudaha Sacuudiga ka xajin doona, iyadoo loo dhigay shuruudo adag oo looga hortegayo cudurka faafa ee Corona, waxaana shuruudaha ka mida in qofka xajinaya iska tallaabay cudurka Covid-19.

