Wednesday, June 25, 2025

Sacuudiga oo shaaciyay xilliga ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Firtiga

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay caawa in maalinta beri ee Talaadada ah ay noqon doonto maalinta soddonaad ee Bisha Ramadaan la dhameystirayo, isla markaana Arbacadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Firtiga.

Guddiga Iftada Sacuudiga ayaa go’aankan gaaray kadib markii la waayay cid soo sheegta dhalashada bisha Shawaal ee Soonfur, waxaana tani ay waafaqeysaa culimada Fiisigiska Xiddigista oo sheegay in aan la arki karin bisha Shawaal caawa.

Dalal badan oo ku xiran Sacuudiga ayaan laga ciideynin berito, waxaana dalalka ciidaya ay noqonayaan kuwo aad u yar sida Turkiga dadka ku nool Raashiyo iyo jamhuuriyado yaryar.

Soomaaliya ayaa weli la sugayaa go’aanka waxayna u badan tahay inay berito tahay Soon, iyo ka mida bilaha Ramadaanka loo dhameystirayo 30 maalmood.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON