Maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa shaacisay xilliga ay ku beegan tahay munaasabadda Ciidul-Adxaa ee sanadkan 1441 Hijriyada.
War kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Khamiista oo ku beegan 30-ka July ay tahay maalinta la taagan yahay Carafa, halka maalinta Jimcaha ee 31-ka July ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii bishii Carafa ee (Dil Xaj) la arki waayay habeenkii xalay ee ay Talaadadu soo galeysay, waxaana maanta oo Talaado ay noqotay maalinta 30-aad ee Bisha Sidataal “Dil Ciqda”, maalinta Berri oo Arbaco ahna ay bilaabaneyso Maalinta koowaad ee Bisha Carafo (Dilxaj).
Waxaa xusid mudan in Ciida Carafo ay sanadkan ku soo beegantay Maalin Jimce ah, balse aanu jirin Xajkii weynaa ee dadka islaamka u aadi jireen Xaramka, iyadoo cudurka Coronavirus awgiis uu Sacuudigu xajka sanadkan ku koobay dad yar oo ku nool gudaha Sacuudiga, laguna xiray shuruudo adag.