Dowlada Sacuudiga ayaa markale ku edeesay dalka Qatar inay taageerto argagixisada, sidoo kalena ay faragelin ku sameyso arrimaha wadamada kale.
Isagoo la hadlay BBC-da ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Adel al-Jubeir, sheegay in dalkiisa uu san wax heshiis ah la geli doonin dalka Qatar ilaa iyo inta ay ka bedelayaan siyaasadooda.
Sacuudiga ayaan weli keenin sababo rasmi ah oo keenay inay go’doomiso dalka yar ee Qatar, waxaana wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ee booqday Sacuudiga uu sheegay inay u sheegeen in liiska eedeynaya loo heysto Qatar ay soo gudbin doonaan.
Qatar ayaan u muuqan inay bedeleyso siyasadeeda iyadoo go’doonka la geliyay ka guuleysatay, isla markaana yeelatay saaxiibo cusub oo Turkigu ugu horeeyo.
Dowladaha Masar, Baxreyn iyo dalka Imaraatka ayaa iyaguna horay u sheegay inay xiriirka u jareen dalka Qatar, kaddib markii ay ku eedeyeen in dalkaasi uu taageero argagixisada, balse dowlada Qatar ayaa beenisay eedeymahaasi, waxaana ay sheegtay in xayiraadaha lagu soo rogay dalkeeda uu xadgudub ku yahay qawaaniinta caalamiga.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson ayaa ku booriyay dalalka deriska la ah Qatar inay fududeyaan xannibaada ay saaren dalka Qatar. Sidoo kale dalka Iran ayaa dalka Qatar u diray diyaarado sida cunno.
Shirkadda diyaaradaha qaran ee Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qatar.