Wednesday, June 25, 2025

Saddex Jeneraal oo lagu qasbay inay iska casilaan Golaha Milateriga ee ka taliya Dalka Suudaan.

Saddex kamid ah Jeneraallada ugu sarreeya Golaha Sare ee militariga Suudaan ayaa xilka iska casilay, kadib markii ay cadaadis kala kulmeen dadweynaha bannanbaxa wada, iyadoo lagu eedeeyay inay xiriir dhow la lahaayeen madaxweynihii hore Cumar Albashiir.

Saraakiishan is casishay aya: Jen. Cumar Zeyn Alcaabidiin oo ahaa madixii siyaasadda ee Golaha milateriga, kaasoo ay si weyn u cambaareeyeen ururada bulshada iyo xisbiyada siyaasadda dalkaasi; Jen. Jalaaludiin Alsheekh Dayib iyo Jen. Dayib Babakar, iyagoo ahaa saraakiil aad ugu dhow madaxweynihii hore.

Siyaasiyiinta iyuo ururadda bulshada Suudaan oo weli wada bannaanbaxyo waaweyn ayaa dalbanaya in meesha laga saaro dhammaan xubnihii haraaga xukunkii hore ee madaxweynihii xilka laga tuuray Cumar Albashiir.

Afahayeenka Militariga Suudaan, Janaraal Shamsuddiin Kabbashi ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dhinacyada militariga iyo hoggaamiyeyaasha dibadbaxyaasha ay ka heshiiyeen inta badan codsiyada shacabka oo ay kamid tahay in la helo dowlad rayid ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON